AKHRISO:- Britain Iyo Norway Oo Lagu Eedeeyay Hurinta Khilaafka Xuduudka Badda Ee Somalia Iyo Kenya

0

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay ku hawlan tahay dadaalo cusub oo ay DFS kula xaajooto, si loo dhameeyo Colaadda Badda ee u dhexeys labada Waddan, kadib, markii ay fashilmeen Wada-xaajoodyadii hore.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Axadlaha ee Sunday Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay inay Kenya buuxisay dacwado ka dhan ah Dowladaha Britain iyo Norway oo ay ku eedeynayso inay hurinayaan colaadda Kenya iyo Somalia.

Afhayeenkii hore ee Dowladda Kenya,Cyrus Oguna oo la hadlay Sunday Nation ayaa sheegay inuu Wada-xaajoodku yahay xalka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo Khilaafka Kenya iyo Somalia.

Waxa uu intaasi raaciyey inay tubtaasi tahay tan ay Kenyan ahaan haatan ku raad-joogaan oo ay hiigsanayaan si xal looga gaaro Khilaafkaasi.

Tallaabadan cusub ayaa timid, kadib, markii ay Guddiga QM ee Kormeerka cunaqabataynta saaran Somalia ka digeen inay sahminta dalalka Reer Galbeedka ee Shidaalka Somalia ay colaad hor leh ka qarxin karto gudaha Somalia.

Khilaafka Somalia iyo Kenya waxa uu sare u kacay bishi iAugust ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii ay Dowladda Somalia ay dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka(ICJ) oo fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Professor Peter Kagawanja oo ah Khabiir dhanka Ammaanka iyo Madaxa Machadka Siyaasadda ee Afrika (The Africa Policy Institute) ayaa sheegay inay Somalia buuxisay Fayl-dacwadood ka kooban 10 qeyb oo ka kooban ugu yaraan 250 bog,oo ay u gudbisay Maxkamadda ICJ, halka ay Dowladda Kenya buuxisay gal-dacwadeed hal qeyb ah.