Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay arimaha dhaqaalaha iyo amniga

0

Maalintii shalay oo Sabti ahayd, kuna beegnayd 15 June, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Qin Jian.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.