Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhiirri gelin ugu Tegay Ciidankii ka hortagay qaraxyadii shalay

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo qaraxyo ah kuwaas oo Al-Shabaab ay sooqaadeen.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha loo soo abaabulayo, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyinka ay Al-Shabaab la doonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay qataraha, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu  ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.