Dowladda Turkey-ga oo Cambaareysay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Dowladda Turkey ga ayaa cambaareysay weeraradii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho oo ay ku dhinteen 8 ruux.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkey ga ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray in dowladda Turkeyga uu soo gaaray khabar xun oo sheegaya in weerar argagixiso oo si gar darro ah looga fuliyey Muqdisho uu dhaliyey tiro dhimasho iyo dhaawac ah.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarkan, waxaan allah naxariis uga rajeyneynaa kuwa ku naf waayey, kuwa ku dhaawacmay na waxan u rajeyneynaa soo kabasho deg deg ah waxaana tacsi u direynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Somalia”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu yaraan 9 qof ayaa dhimatay in ka badab 25 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii labo gaari oo walxa qarxa lagu rakibay sabtidii lagu weeraray qeybo kamid ah Muqdisho.