DHAGEYSO:-Shacabka Muqdisho oo Looga Digay in guryaha ka Kireeyaan Shabaab

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin u jeediyay shacabka magaaladda muqdisho ku nool.

Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa shacabka ugu digay in guryaha ka kireeyaan xubno shabaab ka tirsan.

Waxa uu sheegay Taliyaha in Ciidamadda amaanka ay dagaal kula jiraan shabaab,sidaas darteed loo baahan yahay in aan lasoo dhaweysanin.

Dhanka kale Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidanka amniga lana wadaagaan xogaha horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo shabaab-ka caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.