Dagaal ku dhex maray gobolka Hiiraan Macawisley iyo Al-Shabaab

0

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray dabley hubeysan meel ku dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo mid kamid ah maleeshiyaadka is abaabulay ee la dagaalamay Al-Shabaab uu sheegay in ay ku dileen dagaalkan sarkaal ajnabi ah oo ka soo jeeda dalka Kenya.

Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu diley iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu caan ka ahaa deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan isagoo magaciisa lagu sheeay Maxamed.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab ee la xiriira dagaalkan ka dhacay gobolka Hiiraan.

Kooxda Macawisleyda ayaa ah kuwo ka howlgala deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle iyagoo la dagaalama Al-Shabaab.