Ciidamada Amaanka Galmudug oo baaritaano ka sameeyay Gaalkacyo

0

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa xalay waxa ay baritaano xoogleh ka sameeyeen guud ahaan xaafadaha dhaca Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay guri guri xalay u galayeen xaafadaha koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamadu ay dadka qaar weydiinayeen aqoonsiyo iyo sidoo kale cida taqaana, waxaana wali lasoo warin cid si rasmi ah loogu soo qabtay howlgaladaas.

Saraakiisha amaanka gobolka mudug ee Galmudug oo shalay warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay in ay qaadi donaan howlgal weyn oo ay ku baacsanayaan koox habeyn ka hor duleedka Gaalkacyo isku meel ku dishay ilaa 10 ruux oo rayid ah, waxaana la sheegay in dadkaasi ladilay ay dhamaantood kasoo jeedeen gobolada koonfureed ee dalka.

Dableyda geysatay xasuuqaas ayaa la sheegay in ay ka careysnaayeen dil isla habeenkaas koonfurta Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugidda Galmudug, iyagoo dadkaas ay dilka ugeyteen ka dhex aruuriyay gudaha magaalada Gaalkacyo qaar ahaan qeybta ay ka taliso Galmudug.