AKHRISO:- Tobananeeyo Tahriibayaal Oo Weli Ku Xayiran Tunisia

0

Tahriibayaal laga soo badbaadiyey Biyaha Caalamiga ee ka baxsan Xeebta dalkaasi 15-maalmood ka hor ayaa la sheegay inay weli ku xayiran yihiin badda gudaheeda.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay inay Dowladda Suudaan ku gacan sayreen inay u fasaxaan doonidaasi inay ku soo xirato Dekedda u dhow.

Dooni laga leeyhaay dalka Masar oo lagu magacaabo Mardive 601 ayaa la sheegay inay 75 Tahriibayaal ah ka soo badbaadiyeen Xeebta Koonfureed ee dalka Tunisia, iyadoo ay doonida ilaa bishii hore ee May 31-dii taagnayd meel ku dhow Dekedda Zarzis ee Koonfurta dalkaasi.

Milkiilayaasha Doonida ayaa la sheegay inay ilaa iyo hataan Tahriibayaasha siiyaan cunto iyo biyo.

Hay’adda IOM waxay kaloo sheegtay in ugu yaraan 32 carruur aan lala soconin ka mid yihiin Tahriibayaasha dul saaran doonidaasi, iyadoo 9 u dhalatay dalka Masar iyo mid u dhashay dalka Moroko danaynayaan inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.