AKHRISO:- QM Oo Ka Digtay Inay Laysimada Shidaalka Ee DFS Iyo Dowlad-Gobaleedyadda Bixiyaan Horseedi Karto Colaad

0

Guddiga QM ee kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia waxay Warbixin qarsoodi ah ku sheegeen inay sahminta Reer Galbeedka ee Shidaalka Somalia laga yaabo inay horseedaan Colaado.

Warbixintii Guddiga Kormeerka QM ee Sannadlaha ee ugu dambaysay waxaa lagu muujiyey inay jiraan sahmin laga wado deegaano lagu murunsan yahay oo ka tirsan dalka Somalia, iyadoo Laysimada ay Maamulayaasha bixiyaan ay colaad ka abuuri karto dalka Somalia, waa sida uu Wargeysku soo xigtay.

Warbixinta Baarayaasha QM ee cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia u u gudbiyeen Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eritrea, waxay Khubarada ku sheegeen in Dastuurka sOmalia uu awood u siinayo Dowlad-gobaleedyadda siinayo qeyb weyn oo ay Heshiis Ganacsi Shidaal ku geli karaan, balse, Sharciga shidaalka ee ay Barlamaanka Federalka oggolaadeen uu dhigayo inay Dowladda Dhexe awood u leedahay qeybinta Kheyraadka Dabiiciga.

Wakaalladda Wararka REUTERS oo aragtay Waebixinta sannadlaha ayaa sheegtay in Khubarada Guddiga QM ee Kormeerka cunaqataynta hubka saaran Somalia ka digeen haddii aan la xalinin khilaafkaasi inay taasi horseedi karto Colaad siyaasadeed oo dhex marta DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda,taasina ay khatar ugu jirto inay sii xumayso Kala-qeybsanaanta Qabiilka iyo inay cabsi geliso Ammaanka iyo Nabadda, waa sida laga soo xigta warbixintaas.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Dowladii Keligii Taliyihii Somalia sannadkii 1991-kii, Somalia waxay madaxa la gashay colaado socday 20-sanno.

Tobaneeyo Shirkado Shidaal oo ay ku jiraan kuwo Caalami oo waa weyn ayaa la siiyey Fasaxa sahminta Shidaalka iyo Gaaska ka hor sannadkii 1991-kii, laakiinse, tan iyo xilligaas, Maamulladda Puntland iyo Somaliland waxay Laysamo u khaas ah ka bixiyeen isla Xirmooyin isku mid ah.

Kiisaska qaarkooda, Somaliland iyo Puntland waxay laysimo ka b