AKHRISO:- Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan K/Galbeed & Khasaaro ka dhashay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed lagula eegtay deegaano ka tirsan gobolka Baay,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in Gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed qarax miina nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay deegaan duleedka ka ah degmada Khansax-dheere,isla markaana ay ku geeriyoodeen laba askari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas,waxaana ay sheegeen in qarax labaad ay la eegteen kolonyo u soo gurmatay Ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka degmada Khansax-dheere,isla markaana ay ku dhinteen laba kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay maqlayeen jugta labada qarax,hayeeshee aysan ilaa iyo hadda weli cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.