AKHRISO:- Dowladda Turkiga Oo Cambaareysay Qaraxyadii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Dowladda Turkiga waxay sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan labadii qarax ee shalay ka dhacay Caasimadda Somalia ee Muqdisho ee lagu dilay 8 qof.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay aad uga tiiraanyoodeen markii uu soo gaaray warraka ku aadan qaraxyadaasi, taasi oo dad badan ku geeriyoodeen, halka dhowr kalena ku dhawacmeen.

Dowladda Turkiga waxay sheegtay inay tacsi u dirayaan DFS iyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxyadaasi, waxayna caafimaad u rajeeyeen kuwii kale ee ku dhaawacmay qaraxyadii ka kal dhacay Isgoyska Sayidka iyo agagaarka Waddo toos u tagta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 25 kalena wey ku dhaawacmeen qaraxyadaasi oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa, sida ay sheegeen Hay’addaha Ammaanka.