TOPNEWS:-Booliiska Somalia Oo sheegay In La Qabtay Wadihii Gaari Ku qarxay Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Wadihii gaari ku qarxay maanta agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in ay Ciidamada ammaanku ku guleeysteen in ay Gacanta ku soo dhigaan wadihii Gaariga isaga oo aan geysan wax qasaara ah.

“Waxaa agagaarka KM4 ku qarxay gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas”. ayay tiri Taliye Zakia Xuseen Axmed.