Saraakiil ka socota AMISOM oo booqatay degaanka Bariirre

0

Wafdi ka socda howlgalka midowga Afrika Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa booqday degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose , si ay u qiimeeyaan baahiyaha deg-degga ah ee halkaa ka jira iyo xaaladaha ammanka.

Tuulada Bariirre oo dhowaan laga fara maroojiyay Al-Shabaab, ka dib howlgallo ay si wada jira ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM, ayaa waxaa haatan ku soo laabtay inta badan Dadka Rayid ah ee horay ugu barakacay, waxaana soo noqonaya adeegyadii kala duwanaa ee degaanka.

Xubnaha ka socday AMISOM ee booqday Bariirre ayaa waxay kulamo la qaateen, Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed , kuwa Midowga Afrika ee halkaasi ku sugan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka xog wareystay xaaladda degaanka iyo baahiyaha guud.

Wafigan ka socda AMISOM ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo dhiso Buundada kala qeybisay Tuulada, maaddaama ay dhib weyn ku qabaan isticmaalka Gaadiidka, taasoo ay kal hore jareen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Yugaandha ee degaanka Bariirre, Patrick Opira, ayaa sheegay in ay Dadku haatan helayaan kalsooni, iyagoo si tartiib tartiib ah ugu soo laabanay Guryahooda iyo Beerahooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaanka Bariirre, Captan, Cabdi Cali Raage, ayaa sheegay in AMISOM ay ku dhiirradeen in ay sameeyaan dedaallo dheeraad ah, si loo yareeyo dhibaatada Dadka gudaha soo gaareyso.

Wuxuuna sheegay in ay Cadowga Al-Shabaab ka xoreeyeen degaannada ku xeeran Bariirre, si ay Dadku u helaan xorriyad ay ugu soo laabtaan Gurayahooda, kuwaas oo markii hore u guuray goobo fogfog.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Dadku soo wada laabanayaan haddii ay dhisaan Buundada Tuulada, taas oo muhiim u ah isku socodka Dadka iyo Gaadiidka.