Maamulka Hirshabeelle Oo War Ka Soo Saaray Dadkii Lagu Dilay Galmudug

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falka Magaalada Gaalkacyo loogu laayay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo laga naxo.

“anigoo ku hadlaya afka Golayaasha Hirshabeelle Waxaan cambaareynayaa falkani lagu laayay dadkaasi masaakiinta ah, Dadka Soomaaliyeed waa walaal, xidid, iyo ehel intuba meel kasta oo ay joogaan, waxaana uga tacsiyeynayaa ehelka ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaana u rajeynayaa in eebe uu ka waraabiyo janatul Fardowsa” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay falkaasi lagu dilay 13 ruux oo dad shacab ah xoogsata ahaa, waxaana uu ugu baaqay Galmudug in baaritaan dhab ah ay ku sameeyso Falkaasi islamarkaana dadkii ka dambeeyay, cadaaladda la marsiiyo.

Dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa aad looga xumaaday, waxaana dadka la dilay  ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya ayaa ah 13 ruux waxaana afar ka mid ah ay ka soo jeedaan Hirshabelle.