Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan “Wada hadalladii aan wadnay aad loogu guuleystay”

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Carraale, ayaa faah-faahin ka bixiyay dedaalladii ugu dambeeyay ee lagu xakameeyay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Baladweyne iyo halka ay haatn wax marayaan.

Mudane; Carraale , ayaa sheegay in dilkii Taliyihii Boliiska loo soo qab-qabtay Lix Qof, haatanna ay ku raad joogaan xubno kale oo lug ku lahaa dhibaatadii dhacday iyo ciddii ka dambeysay.

Wuxuu sheegay in ay socdaan kulamo lagu dhammaystirayo xallinta shaqaaqadii ka dhacday Baladweyne, isagoo intaa raaciyay in la kulmeen Eheladii uu ka baxay taliyaha, wuxuuna sheegay in ay qanciyeen haatanna ay xaaladdu deggen tahay.

Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay door wanaagsan ka ciyaareen howsha ay wadaan, wax garadka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Maantana ay ku soo biiri doonaan Guddi xaqiiqa raadin oo uu u xil-saaray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay in ay hayaan war bixinno horudhac ah oo u fududeynaya in ay ka gun gaaraan soo Af-jaridda xiisaddi halkaa ka dhalatay, iyaga oo kaashanaya Dadkii goob joogga ka ahaa dhacdadii Kala bayr ee lagu dilay talihii qeybta Boliiska ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay qanceen aadna usoo dhoweeyeen Ehelada Taliyaha, markii ay arkeen caddaaladda ay u muujiyeen Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedka Hirshabeelle, isla markaana ay dejiyeen caradii ay qabeen, wuxuuna sheegay in ay ku guuleysteen wada hadalladii ay la yeesheeen.