DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug Oo Guddi U Xilsaaraya Dadkii Lagu Laayay Gaalkacyo

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si kulul loogu Cambaareeyay weerarkii iyo Dilkii xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lagu xasuuqay dad shacab ahaa.

Galmudug ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dhammaan Eheledii iyo qaraabadii ay ka baxeen 9-kii qof ee lagu dilay Gaalkacyo,kuwaasi oo dhammaantood ahaa Ganacsato ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu dadka shacab ah ee ku dhaqan Gobolka Mudug ugu baaqay inay is dejiyaan,isla markaana la shaqeeyaan laamaha amniga Galmudug si looga hor tego weerarada ka dhan ah Al-shabaab.

Sidoo kale Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in aan marnaba la Aqabali doonin in dad shacab ah oo aan waxba galabsan la la dhibaateyo,waxaana uu tilmaamay inuu Guddi baaritaano ah u xilsaari doono dhacdadii xalay,si cadaalada loo horkeeno dadkii ka dambeeyay.