DHAGEYSO:-Koonfur Galbeed oo Guddi Xaqiiqo raadin ah u diraysa Galmudug

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay Magacaabeen Guddi Xaqiiqo raadin ah oo loogu tala galay in ay taggaan Magaalada Gaalkacyo.

Guddiggaan ayuu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo baari lahaa dadkii Shacabka ah ee xalay lagu xasuuqay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan in la dhameeyo Wixii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana lasoo qabto dambileyaasha.

Ugu dambeyntii waxaa uu Madaxda Galmudug ugu baaqay in ay Maxkamad soo taaggaan kuwii dhibaateeyay Shacabka Masaakiinta ah ee kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur galbeed.

Hoos ka dhageyso fariin loo diray shacabka k/galbeed ee ku sugan deeganada galmudug