DHAGEYSO:-Khudbadii uu Madaxweyne Deni Ka Jeediyay Kalfadhigii 44aad ee Gollaha Wakiilada

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Munaasibadda furitaanka waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyadda Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 44-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxa uu jeediyey khubad uu kaga warbixinayay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa 4 bilood ee la soo dhaafay.