DHAGEYSO:-Dowladda Federaalka oo si kulul uga hadashay dilalkii ka dhacay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb

0

Wasiirka Warfaafin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay dhacdadii xalay ka dhacday  magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay ilaa 10 ruux oo shacab ah iyo tii habeeno ka hor ka dhacday duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale dhacdadii ka horeysay ee duleedka magaalada Dhusamareeb habeeno kahor xasuuq loogu geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Wasiirka oo tacsi udiray eheladii dadkaas iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ayaa Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dhacdooyinkaas ay saameynta ku yeesheen in ay is dajiyaan, isagoo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii ka dambeeyay labadii fal ee kakala dhacay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.