Xubno Al-Shabaab ah oo miino kula qaraxday Lamu.

0

Saraakiisha Ciidanka Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

Saddex ka mid ahaa Al-Shabaab ayaa isla goobta ku dhintay, halka Ninka Afaraadna meydkiisa laga helay Keyn wax yar un u jirta halka uu Qaraxu ka dhacay, isagoo isku dayay in uu baxsado, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Lamu, ahna madaxa howlgalka Keymaha Boni, Joseph Kanyiri.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow Omollo Bridge, oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee Lamu, ayay Al-shabaab doonayeen in ay la eegtaan Dadka iyo Gaadiidka halkaasi isticmaalaya.

Ciidanka Kenya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxay ka heleen, qaar ka mid ah saanaddii Millateri ee ay wateen al-shabaab , Qasnadaha rasaasta, qoraallo iyo qalab kale.