Kenya oo amar adag ku soo rogtay Ganacsatada usoo talaabeysa Soomaaliya

0

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in uu xirnaan doono xadka u dhaxeeya Soomaaliya ilaa iyo amar  Danbe.

Saraakiisha amniga ee ku sugan ismaamulada Lamu iyo Mandera oo xad wadaag la ah Soomaaliya ayaa sheegay in arintaan looga gol leeyahay sugida amniga.

Arintaan ayaa waxaa aad u cambaareeyay shacabka ku dhaqan deegaanadaan.

Ciidamada amniga ayaa ku amray cidii jabisa amarkaan ama diida ay la kulmi doonto cawaaqib xumo, gaar ahaan Ganacsatada.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii dagaal yahano ka tirsan al shabaab lagu arkay waqooyiga Mandera.