Daawo: Kenya oo ka walaacsan kooxda gooni u-goosadka NFD oo war culus soo saartay Iyo Mudaaharaadyo

0

Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in go’aanka Kenya ay ku xirtay xuduudda Soomaaliya aysan la xiriirin sababo amni, balse ay jirto cabsi laga qabo koox gooni u goosed ah oo kasoo ifbaxday gobolka Soomaalida ee NFD.

Wargeyska ayaa qoray in dhowaan saraakiisha sare ee dowladda Kenya ay ku kulmeen Nairobi, kana hadleen kooxda cusub oo la magac baxday xisbiga madax-bannaanida NFD ama Northern Frontier District Independence Party (NFDIP), oo dagaalyahaneeda ay isku magacaabeen “dagaal-yahnnada xoriyadda”

Sida warbixintan lagu sheegay weli si rasmi ah looma yaqaan tirada dagaal-yahnnada kooxda, hase yeeshee waxaa cabsida laga qabo laga dareemayaa Nairobi.

Kulanka Nairobi oo ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga iyo siyaasadda dowladda Kenya ayaa looga hadlay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo ka qeyb-galay kulamada kooxdan iyo lacag la sheegay in kooxdan ay ka heshao ka ganacsiga badeeco ka timaada Soomaaliya.

Waxaa farta lagu goday qaar ka mid ah siyaasiyiintii looga adkaaday doorashadii 2017, oo kulamo ka dhan ah dowladda Kenya ka dhex billaabay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, Soomaalida degan dhanka xuduudda Soomaaliya, iyo kuwa gobolka Soomaalida