Cumar Xasan Al-Bashiir oo ka soo muuqday Maxkamad ku taal magaalada Khartuum

0

Waaxda dacwad soo oogida guud ee dalka Suudaan ayaa Maxkamadeysay madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir,sida laga soo xigtay warbaahinta Dowlada.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa 11 bishii April milatariga ay xoog uga tuureen xilka kadib dibadbaxyo afar bil ka socday dalka Suudaan.

Wakaalada wararka ee SUNA oo soo xiganeysa sargaal ka tirsan dowlada ayaa sheegtay in lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin dhaqashada lacagta madow dhaqaalaha dalka uu ku takri falay iyo amarro deg deg ah oo aan sharci Aheyn.

Marka laga soo tago arintaan ma jirto macluumaad kale oo faahfaahsan oo laga bixiyay xukunka Al-Bashiir.

Hogaamiyihii hore ee Suudaan ayaa ka soo hor muuqan fagaarayaasha tan iyo markii Xabsiga la Dhigay Bishii May.

Bishii May ayey aheyd markii loo maxkamadeeyay danbiyo ay ka mid yihiin kicin dadweyne iyo dil loo geestay qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha.