Askar loo xiray dilkii Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan iyo Baaritaanka oo warbixin horudhac ah laga soo saaray

0

Guddiga loo xil saaray baaritaanka sida uu u dhacay dilkii Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col. Maxamed Macow xalane ayaa soo saaray warbixin horudhac ah oo ku saabsan dilka maalmo ka hor loo geystay Taliyaha.

Guddigan ayaa sheegay in dilkaas loo xiray askar dhowr ah, kuwaasoo ay haatan ku socoto su’aalo weydiin, isla markaana ay meel wanaagsan mareyso baaritaanka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhamme Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in illaa lix askari oo ku eedeysan dilka Taliyaha ay xabsiga dhigeen.

Waxaa uu sheegay in askartan la marsiin doono cadaaladda, marka ay soo dhamaato baaritaanka.

Guddi uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo uu Guddoomiye u yahay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ay gaaraan magaalada Beledweyne, si ay qeyb uga noqdaan baaritaanka.