SAWIRRO:-Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo Sheegey in dib u dhis ay ku bilaabayaan aargada degmadda Qoryooley

0
Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hooose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo masuuliyin ka tirsan Maaamulka gobalka ayaa safar Dhulka ah ku  gaarey Degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelha Hoose.
Masuuliyintan ayaa markii ay gaarreen degmada Qoryooley waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Maamulka degmada oo uu Horkacayey guddoomiyaha degmada Sayid Cali iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.
Gudoomiye Najax Oo La hadley Warbaahinta Qaranka ayaa Socdaalkisa Safarka Ku sheegey inuu Yahay Mid ay ugu kuur galayaan guud ahaan Xaalada Amni ee degmooyinka Gobalka iyo Baaahiyaha ay qabaan Dadka deegaanka, isaggoo sidoo kalena Sheegey inuu Kulmo la qaatey masuuliyinta maamulka Degmada iyo saraakiisha laamaha amniga, waxaana uu kala Hadley siddii amniga degmada Loo dardargelin lahaa, iyaddoo la kaashanayo Shacabka iyo qeybaha kala duwan eee Bulshada.
Ibaaraahim aadan cali Najax Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale Waxa uu shegey in Shacabka degmada Qoryooleey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada uu kala hadley siddii dhagarta maleeshiyada Alshabaab ay meel uga soo wada Jeestaan, Ka maamul ahaanna ay diyaar ula yihiin waxksta oo ku saabsan horumarinta amniga iyo adeegyada bulshada.
Gudoomiye najax ayaa sidoo kale intaa ku daray in hadda ay wadaan Mashruuc dib u dhis ay ugu sameynayaan  aargada degmadda Qoryooleey oo burbur xoogani uu kamuuqdo, sidoo kale ay bilaabayaan gargaar ay ugu talagaleen in ka badan 600 oo qoys oo degmada ku noool
Guddoomiyaha Gobolka Sh.hoose Mudane Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa tan iyo inta la magacaabey waxa uu safaro kala duwan ku marayey degmooyinka gobalka iyo deegaanaadii Laga xoreeyey Maleeshiyada Alshabaab, isaggoo u kuurgalaya xaalada nololeed iyo tan amni ee deegaanada iyo Degmooyinka Gobolkaasi.