SAWIROO:-Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Furay Tababar ku saabsan Doorka Warbaahinta ee Yareynta Xaalufinta Dhirta

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen ayaa magaaladda Muqdisho maanta ka furay Tababar ku saabsan Doorka Warbaahinta Soomaaliyeed ay ka qaadan karto Yareynta iyo Ka Hor-tagga Xaalufinta Dhirta oo dhibaato ballaaran ku haya Deegaanka iyo Bulshadda.

 Tababarkaan oo Socon doona Muddo labo cisho ah ayaa waxaa Casharada ka bixinaya Qubaro isugu jirta Soomaali iyo Ajnabi, waxaana inta uu socdo la isku dhaafsan doonaa Fikardo iyo Tusaalooyin ku saabsan Siddii la isaga kaashan lahaa Baahinta dhibaatooyinka laga dhaxlo Xaalufinta Dhirta.

Madaxa Mashruuca yareynta isticmaalka Dhuxusha C/qani Raage Barrow ayaa sharaxay Cawaaqib Xummada ka dhalan karta haddaan laga hor-taggin Xaalufinta Dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen oo tababarkaan Daah-furay ayaa sheegay in Dawladda ay mar walbo u taagan tahay siddii loo joojin lahaa dhoofinta Dhuxusha oo dhibaatooyin kala duwan Xambaarsan, waxaana uu Warbaahinta ka codsaday inay kala shaqeeyaan siddii looga hor-taggi lahaa Xaalufinta iyo dhabar goynta lagu hayo Dhirta.