Dowladda Uganda oo Ka Digtay in La Dhimo Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM

0

Military ga Uganda ayaa sheegay in dhimista tirada ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ah ee Amisom ay wiiqeyso dadaaladii horay loo sameeyey iyo guulihii laga gaaray dagalada Somalia haddii aanan la qaadin tallaabooyin kale.

Afhayeenka military ga Uganda eek u sugan Somalia Richard Karemire ayaa wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua qadka telephone-ka ugu sheegay in dhimista tirada ciidamada nabad ilaalinta u joogo Somalia oo ay taageerto QM ay saameyn ku yeelan karto howgallada ka socdo Somalia iyo xureynta deegaanada wali ka maqan gacanta dowladda Somalia.

“Dhimista ciidamada waxier waajib ah in lagu saleeyo xaalladda ka jirto dhulka somalia, sida iska cad xaaladda hadda jirta wali waa mid u baahan tiro badan oo ciidamada AMISOM ah” ayuu yiri Richard Karemire.

Ciidamada Amisom ayaa lagu wadaa in ugu dambeyn bisha December ee sanadka 2020 ay isaga baxaan Somalia iyadoo bisha October ee soo aadan la bilaabayo ololoha ay Amisom kaga baxeyso Somalia islamarkaana 1000 askari laga dhimayo ciidamada Amisom eek u sugan Somalia.

Uganda waa mid kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia, waana dalka ugu badan ee leh ciidamada Somalia kaga howlgalo magaca Amisom, waxaana hadda Somalia ka joogo in ka badan 5,000 oo askari.

Golaha ammaanka ee QM ayaa 31 May meel mariyey qaraar ciidamada Amisom looga dhimayo 1,000 askari si tiradooda loo yareeyo loogana dhigo 19,626 askari.

Dhimista tirada ciidamada Amisom ee ku sugan Somalia waxa ay qeyb ka tahay qorshaha kala guurka oo lagu heshiiyey sanadkii 2017, waxaana Amisom lagu wadaa in amniga dalka ay ku wareejiso ciidamada dowladda Somalia.

Richard Karemire ayaa sidoo kale sheegay in la isugu yeeray shir ay isugu imaanayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan Somalia si loo go’aamiyo tirada waddan walbo laga dhimayo ciidamiisa qeybta ka ah howlgalka Amisom.