DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo digniin u diray Shacabka Beledweyne.

0

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed cabdi Waare Oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu ka hadlay banaanbixii shalay ka dhacay Magaaladaasi.

Mudane Waare ayaa waxaa uu shacabka ugu digay inay qal qal geliyaan amniga Magaalada Beledweyne, isagoona sheegay in laga hortagi doono wax walbo amniga halis gelin kara.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa wacad ku maray cid kastaa oo ka dambeysay Dilka Taliyihii Qeybta Boliiska gobolka Hiiraan Cornel Marxuum Maxamed Macow in la marsiin doono Cadaaladda.

Madaxweyne Waare ayaa Waxaa sheegay in ay socdaan baaritaano la xariira dilka taliyaha islamarkaana lasoo qaban doono kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeynayay geerida Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Macow, ayaa qoyska taliyaha iyo Guud ahaan Bulshada Reer Beledweyne ugu baaqay in ay isdejiyaan oo muujiyaan xasilooni waxaana uu u balanqaaday in cadaalad ay heli doonaan.