Ciidamo ka tirsan Kenya oo lagu qarxiyay Gaarisa

0

Kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay Magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Sedax goosa iyo Amuuma oo kawada tirsan Gaarisa.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo Militariga ee Dalka Kenya.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in khasaaro lixaad leh ay gaarsiyeen Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Militariga Soomaaliya.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka ee Dowladda Kenya.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Kenya ay la geeyay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.