AKHRISO:- Qof ugu dhintey cudurka Ebolaha gudaha dalka Uganda iyo dad kale oo cudurka laga helay

0

Wiil shan sano jir ah ayaa ugu dhintey cudurka Ebolaha dalka Uganda iyadoo labo ruux oo kale oo ehel la ah wiilkaa geeriyooday laga helay cudurkan.

Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ilmaha ugu dhintey cudurkan magaalada Kasese maanta kadib markii labo maalmood kahor ay isaga iyo hooyadii ay ka yimaadeen wadanka Jamhuuriyada Kongo.

Baaritaano la sameeyay ayaa waxaa ay cadeeyeen in wiil saddex sano jir ah oo ay walaalo ahaayeen wiilka dhintey iyo ayeeydii oo 51 sano jir ah laga helay cudurka Ebolaha.

Labadan ruux ee laga helay cudurka Ebolaha ayaa la karantiilay iyagoo ku jira xarun caafimaad oo ku taal Bwera,iyadoo labadan ruuxba calaamadaha laga helay ay ka mid yihiin inay dhiig matagayaan.

Wasiirka Caafimaadka dalka Uganda Jane Ruth Aceng ayaa sheegay in illaa toddobo ruux oo kale looga shakisan yahay inay qaadeen cudurka isla markaana si dhow loola socdo xaaladooda.

Khubaro ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ayaa kulan loogaga hadlayo cudurka Ebolaha waxa ay ku kulmi doonaan magaalada Geneva Jimcaha soo socota.

Waa maxay Cudurka Ebola?

Cudurka Ebola waa xanuun Virus ah oo calaamadaha lagu garan karo ay ka mid tahay:

1) Qandho deg deg ah,
2) tabardaro daran,
3) murqaha oo xanuuna
4) iyo cunaha oo xanuuna qofka.

Sida laga soo xigtay hey’adda caafimaadka adduunka WHO, taasi waa marka uu bilowga yahay. Marxaladda xigta waa 1) matag isbadajoog ah, 2) fuuqbax iyo mararka qaar dhiigbax gudaha iyo dibadda ah.

Cudurka waxa uu bani’aadamku ka qaadaa markii uu la xiriiro xayawaanka qaba cudurka sida daanyeerka sida Jimbansiiga, xayawaanka kibiliga iyo gari-nuugta.

Xitaa qofka u geeriyooda Ebola meydkiisa ayaa halis ah oo cidii u dhawaata ay ka qaadi kartaa cudurka.

Muddada cudurka ku qarsan yahay jirka qofka, ayaa noqon karta inta u dhexeysa labo maalin ilaa iyo seddax todobaad, waxaana adag in la ogaado.

Shaqaalaha caafimaadka qatar ayay ku jiraan hadii ay la macaamilaan bukaanka, iyagoon qaadan taxadar dheeraad ah oo ay uga fogaanayaan qaadista cudurka.

Markii ugu horeysay waxaa lagu arkay cudurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) sanadkii 1976dii.

WHO, waxay ku talineysay inaad ka fogaato xiriir aad la sameyso bukaanka cudurka Ebola. Ha taaban waxba, sida shukumaanada la wadaago kuwaasi oo noqon kara kuwa cudurka lagu kala qaado meelaha guud.

Shaqaalaha xanaanada waa inay xirtaan qalabka ka hortagga sida gloves-ka gacmaha la gashto iyo qalabka kale ee wajiga lagu xirto, waana inay joogto u dhaqaan gacmahooda.

Maxaa laga qaban karaa hadii uu cudurku igu dhaco?

Waa inaad is dadka ka fogaataa, oo aad raadsataa kaalmo caafimaad. Bukaanka wuxuu haysta fursad wanaagsan uu ku badbaadi karo hadii uu helo daawo dhaqso ah.

Bukaanada si joogto ah, ayey u fuuq-baxayaan waa inay cabaan biyaha leh cusbada ama ay xididka ka qaataan faleembo.

Dadka uu soo ritay cudurka 50% illaa iyo 60% ayaa u geeriyooda, lamana oga wax keena in dadka qaar ay ka soo kabtaan halka kuwa badanna aysan badbaadin.