AKHRISO:- Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo magaalada Qardho ka dhagax dhigay Waddooyin Laami ah.

0

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka dhagax dhigay laba waddo oo laami ah iyo deyr wayn oo laga dhisayo aagga dowladda Hoose ee Qardho.

Dhagax dhiggaa waddooyinkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey Wasiirku Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Duqa degmada Qardho, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Madaxa Mashruurca JPLG iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu Qardho ka dhagax dhigo Mashaariic Horumarineed, gaar ahaan waddooyin laamiga ah oo bilic iyo horumarba kusoo kordhindoona magaalada Qardho.