TOP NEWS:-Ciidamada PSF Oo Howlgal Ku Qabtay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Puntland.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ee Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka intii uu socday lagu qabtay Shaqsiyaad ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in howlgalka ay sameeyaan Ciidanka (PSF) lagu xaqiijinayo Amniga Gobolada Puntland,isla markaana waxaa ay u mahadcelisay dhammaan Shacabka ku dhaqan deegaanadaas.

“Waxaa Ciidanka Amniga PSF Bosaaso iyo Gaalkacyo Xalay hawl ku soo qabteen Shaqsiyaad ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab. Hawlgaladan ayaa socda si loo xaqiijiyo Amniga gobolada Puntland. Waxaan ugu mahadcelinaynaa dhamaan shacabka sida ay u garab taagan yihiin ciidamada amaanka” ayaau lagu yiri warka ka soo baxay Ciidanka Amniga  (PSF).

Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro,waxaana Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay Magaalada Boosaaso ka dhacay weeraro kala duwan iyo dilal qorsheysan.