SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Bil Mushaarkeed Ugu Qayb Qaadanaya Dib-u-dhiska Degmada Warta-nabadda

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay munaasabad looga arrinsanayay dib-u-dhiska Xarunta degmada Warta-nabadd ee gobalka Banaadir, ayaa ku deeqay mushaarkiisa bisha June.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda ka sheegay in dib-u-dhiska xarunta uu fududaynayo fulinta adeegyada bulshada, ayna  muhiim tahay in laga wada qayb qaato dadaallada dib loogu dhisayo.

Guddoomiyaha Degmada warta Nabadda oo ka hadashay munaasabadda ayaa ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale uga mahad celisay ka qayb qaadashada dadaallada dib loogu dhisayo xarunta.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada, qorshaheeduna ahaa in dhaqaale loogu aruuriyo dib-u-dhiska xarunta oo ku burburtay weerar ay argagaxisadu ku qaadeen ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo mas’uulyiin kale.