Maraykanka oo Soo saaray Hadal Al-shabaab Argagax iyo Cabsi Xoogan Abuuray

0

Dowladda Wadanka Mareykanka ayaa balanqaaday in ay kordhineyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gudaha Soomaaliya si ay Dowladda uga caawiso in wadanka la xasiliyo.

War wada jir ah oo lasoo saaray kadib kulan dhex maray Saraakiil ka tirsan Dowladda federalka ah ee Soomaaliya, Taliyahah Africom Thomas D. Waldhauser iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

“Taageeradda amniga ee Mareykanku uu siiyo Soomaaliya waa qayb muhiim ah ee dadaaladeena aan Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugala shaqayneyno nabadda iyo xasiloonida” ayuu yiri Donald Yamamoto.

“Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxay la micno tahay xasiloonida gobolka oo dhan. Waxay sidoo kale la micno tahay in dadka Soomaaliya ay awoodi doonaan in ay diiradda saaraan dhismaha mustaqbal barwaaqo ah”. Ayuu hadalkiisa ku daray Yamamoto.

Wada hadaladda dhexmaray saraakiisha Soomaaliya iyo mareeykanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay Taageeradda guud ee Dowladda Mareykanku ay siido Soomaaliya.

Waxay sheegeen in Ciidanka Amaanka ee Soomaaliya iyo saaxiibadda ay kaashanayaan ay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan shabakadaha argagixisadda si ay u buuraaan horumar kale oo dhaqalaha iyo siyaasadda ah.

Dowladda Mareykanku waxay ka mid tahay Dowladaha Taagerada cududa leh siiya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyadda Dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo Dhaqaalaha ay ku shaqayso Dowladda federalka ah.