Machadka daraasaadka amniga ee Africa oo ku taliyay in wadaxaajood lala galo Al-Shabaab

0

Machadka daraasaadka amniga ee Africa ayaa warbixin uu soo saaray waxaa uu uga faalooday nabadda Soomaaliya iyo sida lagu gaari karo, waxaana uu  ciwaan uga dhigay “Waa waqtigii la tixgelin lahaa  wadaxaajood lala galo Al-shabaab”.

Warbixintan cusub ayaa waaa lagu bilaabay hadal laga soo xigtay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-shabaab.

“Waan ogaa sidii lagu helay Al-shabaab. Waana aqaanaa sida lagu dhameyn karo,” waa hadal uu yiri Mukhtaar rooboow Abuu Mansuur  Sanadkii 2018kii.

Warbixinta Machadka amniga Africa ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Roobow iyo saraakiil kale oo miisaan ku leh Al-shabaab dhexdooda ay dhinaca Dowladda soo mareen iyadoon la deegsan awood military, balse ay Dowaddu soo jiidatay ayna si iskood ah u go’aansadeen ragga Al-shabaab ka tirsanaa in ay kasoo goostaan.

“Wada hadallo lala galo Al-shabaab waa mid ka mid ah wadooyinka aan awoodda militari u baahneyn ee wadanku uu kula dagaalami karo argagixisadda iyadoo Al-shabaab lala galaayo heshiis xasilooni waarta keeni kara”, ayaa lagu xusay Warbixitaan oo la daacay Talaadadii.

Hadda waxaa Al-shabaab la dagaalama Dowladaha Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Burundi, Uganda iyo kuwo caalami ah oo uu ka mid yahy Mareeykanka. Iyagoo adegsanaya awood iyo military  ay ku baxeyso malaayiin dollar hadana sanado badan kadib kuma guuleeysan in ay Al-shabaab ka guuleeystaan.

Sidaas darteed wada hadal lagalo Al-shabaab waxaa uu guul ku dhameeyn karaa yoolka la hiigsanyo ee lagu gaari wayay cududda militari.

Waxaa ugu muhiimsan ee wada hadalka looga baahanyahay waa in la fahmo figradda Al-shabaab iyo sida qaab dhismeedka xubin nimo ee Al-shabaab uu u sameynsanyahay, iyadoo la cadeeynayo cid sedexaad oo dhex-dhexaadiye noqon karta, ayuu machadku ku taliyay.

Al-shabaab waxay doonayaan in Dowladda  Federaalka oo ay wadanka Shareecadda Islaamka ku maamulaan. Waxay sidoo kale doonayaan in ciidanka shisheeye dalka laga saaro.

Dastuurka Soomaaliya waxaa uu qoraya in Islaamku uu yahay Diinta keliya ee wadanka Shareecaduna ay  aasaas u tahay Sharciyadda dalka oo dhan.

Su’aashu waxay tahay sida loo fasirayo shareecadda, midaasna awood lagu xalin karo ayaa ku qoran Warbixinta Machadka daraasaadka Amniga