DHAGEYSO:-Xildhibaano Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Duleedka Baladweyne

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana ka soo jeeda deegaanada Hirshabeelle oo Shir Jairaa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacday duleedka Magaalada Baladweyne,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirkii hore amniga Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa baaq nabeed u diray dadkii shalay ku dagaalay deegaanka kalabeyr oo ku yaalla Duleedka Baladweyne,isagoona tacsi u diray Eheladii u ka geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.