DHAGEYSO:- Issimo Buhoodle ka amba baxay oo tagay Wardheer

0

Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn waxaa ka ambabaxay wafti aad u balaadhan oo ay hoggaaminayaan ismada deegaanka iyo waxgarad ay kamid yihiin Garaad Cabdirasiq Garaad soofe, Garaad Saleebaan Buraale, Suldaan Siciid Cismaan Cali, cugaal, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo culimo.

dhinaca kale wafdi uu hogaaminayo garaadka guud ee Beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa ka soo baxay deegaanada bariga dhammaantood waxay ku jawahanyihiin magaalada Wardheer ee gobolka doollo ee Dowlad Deegaanka Soomalida, halkaas oo maalinta Arbacada ah uu ku soo beeganyahay madaxwaynaha deegaanka Mustafe Muxumud cumar.