DHAGEYSO:-Afar Ruux Oo Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb

0

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dila Afur ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Falka lagu dilay dadkaas ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Dhiin-waris oo ku dhow duleedka Magaalada Dhuusamareeb,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Afarta ruux ee la dilay  ay ahaayeen kuwo ka shaqeeynayay Xarun Malabka Shinida lagu maalo oo ku taalla deegaanka Dhiin-waris,isla markaana la sheegayaa in loo dilay arrimo la xiriira Aano Qabiil.