AKHRISO:- Qarax Ka Dhacay Yemen Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0

Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku geeriyootay, 4 kalena wey ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta lala beegsadaygaari ay la socdeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda dlkaasi.

Sarkaal ka tirsan Milliteriga dalkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ayaa sheegay inuu Ciiddanku qarax aad u xooggan ku qabsaday Degmadda Mahfed ee Gobalka Abyan ee Koonfurta dalkaasi.

Ciiddamo xoojin ah oo watay Gawaarida Gaashaman oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalladda Zinjibaar ayaa loo diray goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma kala cadda kooxdii ka dambeysay qaraxaasi, inkastoo ay Maleeshiyadda Alqaacida Yemen ee AQAP lagu eedeeyo inay qaraxyo ka geystaan qeybo ka mid ah Koonfurta Yemen.