Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay is dhexgalka ganacsiga oo lagu soo gabagabeeyay Addis ababa

0

Wasiirka maaliyada Xukumada Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in shirkii lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis ababa ee Dalka Itoobiya looga hadlay sidii ay Waddamada Gobolka wax u wada qabsan lahaayeen iyo sidii loo kobcin lahaa dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Mandiqadda Geeska Afrika.

Mudane; Beyle, oo u warramayay Idaacadda BBC-da ayaa intaa ku daray in ay Madaxda Waddamada Gobolka ee halkaasi ku kulmay isla meel dhigeen sidii Dal kasta loola wadaagi lahaa baahiyahiisa gaarka ah.

Qodobbada layku Afgartay ayuu Wasiirku ku sheegay, dhismaha Waddooyinka isku xira Waddamada Geeska, In laysu furo Ganacsiga iyo In la hagaajiyo lana ballaariyo Dekedaha Mandiqadda gaar ahaan kuwa Soomaaliya.

Shirkan Madaxda Waddamada Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Eretrea , African Development Bank iyo Bankiga Adduunka ugu soo idlaaday Magaalada Addis ababa, ayaa ah kii Saddexaad ee ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Gobolka, kaas oo inta badan lagu gorfeeyo sidii loo maareyn lahaa danaha ka wada dhexeeya Dalalkan.