SAWIRRO:-Maamulka Shabeellada hoose oo sheegay in Dadka ku dhaqan Marka ay u bisil yihiin Dowladnimada

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) ayaa Shacabka ku nool Degmada Marka ku ammaanay kuwo u bisil nidaamka Dowladnimo, ka dib booqasho uu halkaasi ku tegey.

Guddoomiye, Najax oo shalay gaaray Magaalada Marka ayaa waxa uu soo dhoweyn diirran ka dib kulamo kala duwan la qaatay Guddoomiyaha Degmada C/llaahi Cali Axmed (Waafoow) , Mas’uuliyiinta maamulka, Saraakiisha Ciidamada, Wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kualnka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa amniga guud ee Gobolka iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Mudane; Najax, ayaa Shacabka Marka u ballan qaaday in lasoo celin doono dhammaan adeegyadii asaasiga u ahaa Bulshada halkaasi ku dhaqan, si loo daboolo baahiyaha ay Shacabku tabanayaan.

Guddoomiye; Ibraahim Aaden Cali, ayaa sidoo kale Bulshadii uu la kulmay u sheegay in Safarkiisu uu qeyb ka yahay Socdaal uu ku gaalaa bixinayay degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoose iyo sidii dib looga soo celin lahaa maamulkii iyo adeegyadii Dowladnimo oo ay meelaha qaarkood ragaadiyeen haraadiga Al-Shabaab iyo dagaallo sokeeye.