SAWIRRO:-Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Cabdi Wali Muudey oo si wayn loogu soo dhaweyay Muqdisho

0

Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliya Cabdi Wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii uu ka yimid safar dalka Turkiga.

Tiro Xildhibaano ah ayaa Garoonka si wayn ugu soo dhaweeyay Muudey, xilli maalmihii dambe ay soo baxayeen warar sheegaya inay jiraan Xildhibaano diyaarinaayo Mooshin isaga ka dhan ah.

Cabdi Wali Sheekh Ibraahin Muudey ayaa taageero badan wuxuu ku leeyahay Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya, waana sababta maanta keentay in tiro Xildhibaano ah si wanaagsan ugu soo dhaweeyaan Garoonka.

Isaga oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Aadan Cadde, ayaa wuxuu si wayn uga mahadceliyay sida quruxda badan ee Xildhibaanada ay ugu soo dhaweeyeen Muqdisho.

15-ka Bishan oo Afar cisho ah inaga xigto ayaa lagu wadaa inuu furmo Kulamada Baarlamaanka Somaliya, sida Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Somaliya ay go’aamiyeen.

Waxaa jiray guux Siyaasadeed oo ku aadan jiritaanka Xildhibaano diyaarinaayo Mooshin la sheegay in laga gudbinaayo Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya, balse Cabdi Wali Muudey ayaa u muuqda shaqsi taageero badan ku dhex leh Golaha Shacabka.