SAWIRO- Taliska Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay labo sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Taliska Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 43aad ayaa ku soo bandhigay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo labo Sarkaal oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo dhowaan isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Labada dhalinyaro ayaa lagu magacaabaa Mustaf Ibraahim Isaaq oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta Sirdoonka iyo Maxamed Xasan Madhaaley oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Ilaalinta Xabsiyada ee Jubbooyinka.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo isku soo dhiibta, si gaar ah waxay ugu baaqeen dhalinyarada la qalday inay isku soo dhiibaan, si wanaagsan loola dhaqmi doono.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa Gobolka Gedo iska dhiibay in ku dhow tobaneeyo Saraakiil, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka xoogga dalka.