SAWIRO:- Howlgal go’doonka looga qaadayo Magalada Marka oo lagu dhawaaqay

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo Xubno la socda ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ay agareen Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Gudodomiyaha ayaa kulamo la qaatay Maamulka degmada Marka oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafow,isaga oo kala hadlay sidii go’doonka loo qaadi lahaa Magalada Marka.

Waxaan u mahadcelinayaa maamulka, odayaasha, ciidamada xooga dalka iyo kuma Amisom oo soo dhoweyn aad u weyn noo sameeyay.Soo dhoweynta shacabka MARKA waxay baaqi ku ahaan doontaa qalbigayga sidoo kale mardhow waxaan furi doonaa wadooyinka soo gala magaalada si Looga saaro go,doominta ay ku sameeyeen nabad diidka Al-Shabaab ayuu yiri Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Shabelelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee gacanta ku haya Magalada Marka,isaga oo kala hadli doonaa sidii Magalada Marka looga qaadi lahaa go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab.

Shalay ayaa waxaa Magalada Marka laga dareemay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay sameynayeen Ciidamada Guutada 14-ka Octoober, iyada oo dadka ku nool Magalada Marka ay sheegeen inay ka baqdin qabeen in dushooda lagu wada dagaalamo.

Tan iyo markii Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ay Al-Shabaab kala wareegeen degmada Marka ayaa waxaa Go’doon geliyay Al-Shabaab oo ku sugan meel aan ka fogeen degmadaas, iyaga oo diiday inay galaan Gawaarida noocyadooda kala duwan ee ka yimaada degmooyinka kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Magalada Muqdisho.