Lix ruux oo ku dhaawacantay Shil gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ee duledka Magaalada Muqdisho, waxaa saaka halkaasi ka dhacay Shil gaari oo gaystay Khasaare.

Shilkaan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo noocooda uu yahay Caasi, kuwaasi oo mid ka yimid Afgooye halka midka kalena uu ka baxay Muqdisho.

Shilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Al Birri ee deegaanka Garasbaaley, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen lix ruux oo haween & carruur isugu jira.

Dadkii dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Al-Biri, halkaasi oo Xiligan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Labada gaari ee isku dhacay ayaa waxa ay ku socdeen xawli, waana sababta keentay labada darawal inay xakameen waayeen gaadiidka.