Galmudug oo deegaanadeeda ka masaafurinaysa dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed

0

Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug uu amar ku bixiyay shacabka ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ay si deg deg ah ugu baxaan deegaanada ay  ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Magaalooyinka lagu amray in ay ka baxaan dadkaasi ayaa waxaa ka mid Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dhuusa Mareeb  ayaa sheegay in amarkan uu ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaana dadkan lagu amaray in mudo 2 cisho ah ay si deg deg ah ugu baxaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud.

Sababta ugu weyn ee Galmudug dadkan ka soo jeeda Koofur Galbeed deegaaada kaga saaraysa ayaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii ay sheegeen in Ninkii dhawaan isku qarxin rabay munaasabad ka  ka dhacaysay Magaalada Guriceel uu ka soo jeeday deegaaanada koofur galbeed Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsatada ka soo jeeda Deegaanada Koofur Galbeed ay Shalay kulan la qaateen Saraakiisha Nabad sugida ee Maamulka Galmudug, waxaana ganacsatada lagu amray inay ka baxaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud.