DHAGEYSO:-Ciidamada Jabuuti oo odayaal iyo dhalinyaro ku xir xirtay Jalalaqsi

0

Ciidamada AMISOM qeybtooda dalka Jabuuti ee ku sugan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiran ayaa waxaa maalintii afaraad u xiran dad iskugu jira odayaal dhaqmeed iyo dhalin yaro, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

Qabashada dadkan shacabka ah ay qabteen ciidamada jabuuti ayaa waxaa ay timid kadib markii todobaadkan bilowgiisa ay  ciidamaada Jabuuti  ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay kala kulmeen weearar jidgal ah.

Xildhibaan Cabdi ladiif Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada maamulka Hirshaballe deegaan ahaana laga soo doorto degmada Jalalaqsi  ayaa waxaa uu sheegay in dadkan ay yihiin kuwa shacab ah, maalintii afaraadna ay ku xiran yihiin Saldhig ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.