Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab oo Gudaha u Galay Dalka Kenya

0

Warbixin ay soo saartay hey’adda sirdoonka Kenya ee NIS ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 40 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab kana yimid Somalia ay todobaadkii hore gudaha u galeen dalka Kenya.

Dagaalyahanadan ayaa la aaminsan yahay inay ku dhuumaaleysanayeen deegaanka Lafey oo hoostago magaalada Mandera islamarkaana ay qorsheynayaan fulinta weeraro aargoosi ah kadib markii mid kamid ah dagaalyahanadooda todobaadkii hore lagu dilay deegaanka Dawaduba.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Al Shabab ay ka dalbatay dowladda Kenya in ay dib usoo celiso hub ay Al Shabab kaga qabsatay deegaanka Dawaduba, waxa ayna Al Shabab ku hanjabeen in ay weeraro ka fulin doonaan deegaanka haddii aan dib loogu soo celin hubkooda muddo ku siman 24 saacadood.

Warbixinta sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in saraakiisha sar sare ee ammanku ay iska indha tireen digniinta iyo hanjabaadda kasoo baxday Al Shabab, tan iyo markii ciidamada police-ka dheeriga ah ee Kenya ay fuliyeen howlgallo guuleystay oo dhawaan ka dhacay deegaanka Dawaduba.

Taliyaha police-ka Mandera Jeremiah ole Kosiom ayaa sheegay in ay heleen xog la xiriirta in Al Shabab in ay axaddii bartilmaameedsadeen gaadiidka dadweynaha ee ku safro waddada dheer ee xiriiriso Mandera iyo Ceel Waaq.

Intii uu socday isku dhac dhex maray ciidamada police-ka ee deegaanka Dawaduba iyo dagaalyahanada Al Shabab waxa ay ciidamadu furteen tiro hub ah, sarkaal ka tirsan polic-kuna waxa uu ku dhintay howlgalkaas ayaa lagu yiri warbixin sirdoon oo saraakiisha amniga Kenya looga dalbanayey inay muujiyaan feejinaan dheeri ah.