AKHRISO:- Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magalada Muqdisho

0

Shirkaan oo lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayay amniga Caasimadda iyo qiimeyn lagu sameeynayay, kadib howlgallo isdaba-joog ah oo Ciidamo ka tirsan Booliska ay ka sameynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,sida uu sheegay Gudodomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka Amniga Caasimadda ayaan ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada ayuu yiri Eng, Yariisow.

Tan iyo markii guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay howlgallo laga fulinayo degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa si sidaba-joog ah u qabsoomayay kulamo looga hadlayay Amniga Caasimadda,kuwaas oo uu qaarkood shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.