Akhriso:-Kenya oo Xirtay Xadka ay wadaagaan Soomaaliya

0

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya Dowladda Kenya, ayaa waxay ciidan dheeraad ah ay soo dhoobtay  xuduuda ay la wadaagto  Soomaaliya, waxaana xuduuda laga dareemayaa  Dhaq dhaqaaqa  Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Kenya, ayaa waxay cabsi ka qabaan in  weeraro dalkeeda ay ka gaysteen  Al Shabaab, maadaama la sheegay in  dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaasi.

Warbaahinta Kenya, ayaa qortay saakay  in si rasmi ah loo xiray xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Magaalo Xeebeedka Lamuu.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah  dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaa ay saakay ka billaabeen degaannada ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliska Booliska Kenya, ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay inay u diyaargaroobeen suggida amniga, islamarkaana ay ka hortagi doonaan weerarada kaga imaanaya dagaalamayaasha Al-Shabaab.